Thursday, February 14, 2013

Xiddigii Reer South Africa ee Ku Caan Baxay Orodka(Blade Runner Ama Mindidii Oradka) Ayaa Jeelka Loo Taxaabey Markii uu Khaarijiyey Saaxiibadiis.By Jaahuur.

Pretoria-South Africa-Feb-14-2013-qurbejoognwes.com- Akhyaartay qormadeena ciyaaraha iyo maanta waxaynu ugu kuur galeynaa xiddigii reer South Africa ee ku caanbaxay orodka (Amputee Runner) oo gabadh saaxiib uu la lahaa khaarijiyey.

Haddaba ciyaaryahankan(Oscar Pistorius)?oo ku caan baxay Orodka Blade Runner ama mindidii orodka?laba biladood oo dahab ahna ku guuleystey ciyaarihii Olombikada ee lagu qabtey London Sannadkii aynu soo dhaafney ayaa aduunkana ka noqdey caan.

Gabadhan oo Oscar loo xidhey oo lagu magacaabo Reeva Steenkamp ahna gabdhaha Moodalka (Model) una ololeysa ka soo hojeesiga Kufsiga iyo abiyuuska lagu hayo dumarka ayaa afar xabadood lala beegsadey halkana ku naf weyey,sidaana waxaa ka dhawaajiyey Buliiska.

Afhayeenka u hadley xiddigan uu gabalkisii dhacay ayaa ku andocoonaya inuu wakhtigii la diley Steenkamp uu Oscar gurigiisa joogey,laakiin waxaa loo hayaa markhatiyaal waana sababta maanta oo khamiis ah 14-2013? maxakamadda loo keenayo.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

?

Source: http://www.qurbejoog.com/2013/02/14/xiddigii-reer-south-africa-ee-ku-caan-baxay-orodkablade-runner-ama-mindidii-oradka-ayaa-jeelka-loo-taxaabey-markii-uu-khaarijiyey-saaxiibadiis-by-jaahuur/

Kmart Black Friday PlanetSide 2 Alexis DeJoria danica patrick sweet potato casserole turkey Pumpkin Pie Recipe

No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.